Xarunta Kiraystayaasha: Ballanqaadka Macmiilka
Ballanqaadkayaga
Unison, macaamiisheena ayaa udub dhexaad u ah waxa aan samayno. Waxaa naga go’an inaan siino adeegyo tayo leh macaamiisheena, kireystayaasha iyo bulshadayada.
Si loo muujiyo ballanqaadkan macaamiisheena waxay filan karaan in:
- Waxa aanu nidhi waanu samayn doonaa, marka aanu nidhaahno waanu samayn doonaa.
- Waanu dhagaysan doonaa oo ka jawaabi doonaa.
- Waxaan isku dayi doonaa inaan ku xalino arrintaada marka ugu horeysa ee aad la xiriirto, haddii aanan awoodin; waanu sii wadi doonaa xidhiidhka adiga ilaa laga xaliyo.
- Waxaan noqon doonaa kuwo u dabacsan adeegyadeena waxaanan si firfircoon u raadin doonaa xalal daboolaya baahiyahaaga gaarka ah.
- Waxaan noqon doonaa ixtiraam iyo furfurnaan.
- Waxaan qiimeyn doonaa oo dhisi doonaa xiriir.
Qiimahayada
Waxaan bixinaa adeegyo waafaqsan qiyamkayaga. Unison waxaanu ku qiimaynaa:
Dadka
Waxa aanu samaynayna macmiilka udub dhexaad u ah, waanu is qadarinay oo soo dhawaynayna kala duwanaanshaha.
Xushmad
Waanu ixtiraamaynaa dhammaan, waanan soo dhawaynaynaa dood furan oo daacad ah.
Wanaagga
Waxaan leenahay hab togan oo firfircoon oo shaqadeena ah. Waxaan aqbalnaa isbeddelka, wax ka baranaa khaladaadkayaga, waxaanan raadinaa xalal.
La xisaabtanka
Waxaan samaynaa waxaan nidhaahno waanu samayn doonaa.
Codsiyada iyo walaacyada
Waxaa naga go’an inaan kaga jawaabno codsiyadaada iyo welwelkaaga waqtiyada soo socda:
- Aqoonsiga weydiinta – 1 maalin shaqo
- Jawaabta hore ee qoraalka ah ee jawaab celinta/cabashada – 5-10 maalmood oo shaqo
- Dhamaystirka jawaab celinta/habsocodka cabashada – 30 maalmood
- Ka jawaab shaqooyinka dayactirka degdega ah – 24 saacadood
Habka xalinta cabashada
Waxaan ku dadaalnaa inaan ku xalino cabashooyinka 30 maalmood oo shaqo gudahood. Haddii aanaan ku xallin karin cabashadaada 30 maalmood oo shaqo gudahood waxa lagugu wargelin doonaa horumarkayaga.
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xallinta cabashada ayaa laga heli karaa bogga Jawaab-celinta, Cabashooyinka iyo Racfaanka ee mareegahayaga, dhammaan xafiisyada ama annaga oo nala soo xidhiidhaya.